top of page
  • Black Twitter Icon

Somaliland Canadian Congress

Mar 15, 2022

Qiimaynta Qudbaddii Madaxweyne Bihi ka jeediyey Heritage Foundation

March 15, 2022

Somaliland Canadian Congress

Madaxweyne Bihi wuxu khudbaddiisa isku barbardhigay duqeyntii, burburkii, dhimashadii, balanbalkii iyo barakicii ku dhacay dadka Reer Somaliland 33 sanno ka hor iyo duqeynta, dhimashada, burburka, balanbalkan iyo barkaca haatan ka socoda dalka Ukraine.

Madaxweyne Bihi wuxu yidhi waanu dareemaynaa xannuunka Reer Ukraine sababtoo ah waa mid aanu soo maray, waxanan markhaati ka ahay 50,000 oo qof oo dawladdii Maxamed Siyaad Barre hortayda ku dishay.

Waxa kale oo Maxdaxweyne Bihi si wanaagsan uga hadley israacii Waqooyi iyo koonfur ee guuldaraystay iyo cawaaqib xumaddi ka dhalatay, Saluugii, Inqilaabkii iyo dhalashadii SNM, Madaxweyne Bihi wuxu is dultaagay in Somaliland xasuuq ballaadhani ka dhacay, Hargeisa dhulka lala simay, magaalooyin kale la burburiyey.

Madaxweyne Bihi wuxu sheegay in ka dib burburkii dawladdii Somalia 1991, shacabka Somaliland ay go’aansadeen in dawladnimadoodi dib ula soo noqdaan, iskuna tashadaan, 30ka sanno ee Somaliland jirtana waxay dhisatay nidaam dawladeed, suuqa xorta ah, dimuqraadiyada, iyo doorasho xor iyo xalaal ah. Waxa kale oo Somaliland ku guulaysatay la dagaallanka argagixisada, budhacbadeedka, iyo xagjirka, xalka Somalia dhanwalba ka guuldaraysatay.

Madaxweyne Bihi wuxu ku nuuxuuxsaday in dhaqaalihii Mareykan iyo beesha caalamku siinaysay uu noqday hal bacaad lugu lisay dawladda Mogadishu na ayna dhaafin Villa Somalia.

Madaxweyne Bihi wuxuu soo qaaday tartanka Quwadaha waaweyni ugu jiraan qaaradda Africa gaar ahaan Horn of Africa iyo istaraatijiyada Somaliland ay leedahay, Horumarka dekada Berbera, Berbera Corridor iyo Airportka Berbera ee Space shuttle soo fadhiisan karo.

Madaxweyne Bihi wuxu sheegay in la gaadhay wakhtigii Somaliland la ictiraafi lahaa, USA iyo Somalilandna iskaashi sameyn lahaayeen, wuxuu soo jeediyey in dawladda Mareykanku Xafiis diblamaasiyadeed ka furato Hargeisa.

Gabagabadii nuxurka qudbada Madaxweyne Bihi waxay ahayd khudbad dhammaystiran oo gudbisay farriintii dhabta ahayd ee dareenka ummadda, waana guul weyn oo Somaliland u soo hoyaytay.


On behalf of the Somaliland Canadian Congress (SCC), I would like to thank President Muse Bihi Abdi for the informative speech regarding Somaliland’s recognition and commitment to maintaining strong working relations with the United States of America.

Mohamed Abdillahi Nur

Somaliland Canadian Congress (SCC)

Ottawa, Canada

March 15, 2022

Mohamed is an electrical engineer and economist by training and can be reached at: almis302002@yahoo.ca

bottom of page